Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Suugaaneed Siweyn Loo Wada Sugaayey Oo Abwaan Daaha Gaas Ku Qaban Lahaa Burco.

Xukuumada Somaliland Ayaa Joojisay Bandhig Suugaaneed Lagu Qabanaayey Dugsiga Sheikh Ibraahin Ee Magaalada Burco Kaas Oo Ardayda Lagaga Wacyi Gelinaayey Qabyaalada.

Abwaanka Qabanayey Bandhig Suugaaneedka Ayaa Ahaa Abwaanka Kooxda DAYAX BAND Oo Lagu Magacaabo Abwaan Daaha Gaas,Inkasta Oo Aan La Cadayn Sababta Loo Joojiyey Bandhig Suugaaneedka Hadana Warar Hoose Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Lagu Joojiyey Amar Ka Yimi Madaxda Sare Ee Dawlada .
Abwaan Daaha Gaas Ayaa Dhowaan Sameeyey Hees Ay Qaaden Kooxda Dayax Band Oo Lagu Dhaliilayo  Xukumada Madaxweyne Biixi.
Sidoo Kale Abwaanka Ayaa Inta Badan Xukuumada Ku Guugaabiya Inay Noqoto Mid Cadaalada Isla Markaana Danyarta U Adeegta,

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: