Xukumadda Somaliland Oo Digniintii Ugu Cuslayd Soosaartay & Arrimo Soo Kordhay.

Digniin : Shacbi waynaha reer Somaliland waxa Digniin u diraya Wasiirka Wasaradda Arimaha gudaha JSL Mudane: Maxamed Kaahin Axmed inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha ee dhulka Xeebaha. Dhanka kale Darawalada Gaadiidka ayaa fariintani si gaara u khusaysaa inaanay Naftooda iyo hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka iman karto. Sida aanu ka soo xiganay Haayada ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka( NADFOR) waxaa la filayaa muddo todobaad ah ay socdaan Roobabkaasi sida ay sheegeen haayadaha Saadaasha ee Geeska Afrika iyo kuwo caalami ah, Roobabkaas oo badi ku soo beegan dhulka Xeebaha Somaliland. Roobabkan ayaa ilaa hadda ka da’ay Goobo ka mida Somaliland kuwaasoo aan keenin khasaare, sidoo kalena Magaalooyinka kalena Daruuruhu ay isa soo qabsadeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: