Xukumadda Oo Dhaliilo Culus Ujeedisay Warbaahinta Madaxa-banaan Ee Somaliland + Maxay Qoonsadatay.

Hargaysa(somalilandmirror)-Xukumadda somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi ayaa dhaliilo culus u jeedisay
warbaahinta madaxa-banaan ee somaliland, Wasiirka arrimaha dibada somaliland Yaasiin
Maxamuud Xiir (Faratoon) wuxuu Warbaahinta ku eedeeyay inay ka been abuurtay Xidhiidhka
Somaliland Iyo Itoobiya. Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada
Washington DC, ayaa sheegay in Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya aanay
waxba ka beddelin isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, marka fursad la helana ay
Madaxda labada Waddan kulmayaan. Wasiirku wuxuu Qurbe-joogta ka Raalli-geliyey Habka ay
Warbaahinta Somaliland Wararka uga tebiso Dalka, habkaasi oo uu xusay inuu Wer-wer ku abuuro
Muwaadiniinta Dalka dibeddiisa ku nool.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: