Xukumada Somaliland Oo Ku Fashilmay Xal U Helida Sicir Babarka Dalka Ka Jira + Xaalka Baanka Oo Noqday Fariin Massage Ah.

Xukuumada Uu gadhwadeenka ka Yahay Madaxwayne Muuse Cabdi Ayaa Gabi Ahaanba Ku Fashilantay In Ay Wax ka Qabto Sicir bararka Xadhkaha Goostay Ee Ku Habsaday Guud Ahaan Bulshada Danyarta Ah Ee Reer Somaliland, Baanka Somaliland Oo Isagu Uu Xil Saaran Jaan Goynta Qiimaha Lacagta Shilinka Somaliland Ayaa Ka Gaabiyey In Uu Maamulo Doollar Iyo Shilinka Somaliland Taasi Oo La Odhan Karo In uu Gudoomiyaha baanka Somaliland Ku Fashilmay Xal Uu Helida Qiima Dhaca Shilinka Somaliland .

 

 

Waxaana Guuldaradan Baanka Ku Habsatay Ay Noqotay Mid Shacabka Somaliland ka Quustay Maamulida Shilinka Iyo Xal Uu Helida Sicirka Bararka Iyo Maceeshada Qaali Garoobaysa Marba Marka Ka Danbaysa 
 Gudoomiye  Cali Ibraahim jaamac Baqdaadi Ayaa Markii Uu Qorshe Lagu Maaraynayo Dhibaatada Sixir bararka Iyo Qiima Dhaca Shillinka Waxaa Xal ka Dhigay Fariin Yar Oo Daciifa Ama Masayja In Uu Dadka Reer Somaliland Ugu Diro Mobiladooda Taasina Waxay Cadanaysa In Sarifka Lacagaha Somaliland Ay Kooto Ugu Xidhmeen Shirkad Gaara .
Shacabka Somaliland Ayaa Ka Dhur Sugaaya Tallabada Uu Qaadi Doono Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Maadama Uu Gudomiyihi Baanka Somaliland Ee Uu Soo Magacaabay uU Noqday Mid Fadhiida Oo Ku Fashilmay Shaqadii Qaranka Somaliland.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: