Xukumada Somaliland Oo Albaada U Laabay, Lana Wareegay Hudheel Caan Ah Oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa + Sababta.

Ciidammada booliska Somaliland ayaa albaada u laabay lana wareegay hutelka Almis oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Huteelkan la xidhay ayaa waxa uu ku yaalla xaruntii Khayriyada ee magaalada Hargeysa waxaanu hore ugu wareejisay dawladda hoose ee Hargeysa.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga loo taxaabay mulkiilihii hudheelka oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen Ibraahim.

Warar dheeraad ah oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ayaa waraaqo digniin ah u keentay mulkiilaha Hudheel taasi lagu amrayo in uu ka baxo hudheelka oo uu baneeyo.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Xaaji Xuseen Ibraahim ku wareejisay guriga khayriyada wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.
Illa hadda wax war kamay soo saarin xukuumadda Somaliland iyo ciidammada boolisku.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: