Xubno Siyaasada Ku Kala Fogaaday Oo Dood Kulul Fooda Isku Dari Doona & Bulshada Oo Indhaha Ku Haysa.

Hargaysa(somalilandmirror)-Xubno Siyaasada Ku Kala Fogaaday Oo Dood Kulul Fooda Isku Dari Doona & Bulshada Oo Indhaha Ku Haysa.
Caawa iyo Dood Xiiso badan oo ay Foodda isku darri doonaan Ashkhaas Saamayn Badan ku leh
Somaliland ayaa Hotel Maansoor ka dhici doonta,
Waxaa Inspire Group ku marti ah:
• Axmed Ismaaciil Samatar
• Maxamed Xaashi Cilmi
• Maxamuud Xaashi Cabdi
• Xirsi Cali Xaaji Xassan
• Maxamed Cabdi Abyan G/ku xigeenka Ucid
• iyo Sucaad Carmiye
Waxa laga hadli doonaa Waqtigan Wadahadalada Somaliland iyo Somalia ma sii socon doontaa,
Barnaamijkuna waa Dood wadaag 7:00pm iyo Hotel Maansoor.
­ Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo inta badan taageersan Wadahadalada Somaliland iyo Somalia ayay Foodda
is dari Doonaan Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo ka soo hor jeeda wadahadalada Somaliland iyo Somalia,
­ Sidoo kale Hogaamiyaha X Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayay Doodiisu daarnaan­doontaa Aragtida
Xisbigiisa Waddani ka qabo Wadahadalada Somaliland iyo Somalia.
­ Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Maxamed Cabdi Abyan ayaa isna hadaladiisu noqon doonaan Afkaarta
Xisbiga Ucid,
­ Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo Xukuumadiisii Bilowday Wadahadalada ayaa Isna Xisbiga Kulmiye
iyo Xeel­dheerisiisa siyaasadeed ku salayn doona Nuxurka Hadalkiisa,
­ Sucaad Carmiye oo lagu xasuustoo Doodii adkayd ee ay Jabuuti kula gashay Reer Somalia iyo Wacdarihii ay
ka dhigtay ayaa iyaduna Dood­wadaagan Bulshada ku matali doonta




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: