Xoghayaha guud ee QM oo sheegay inuu wakiil cusub u soo magacaabayo Somalia.

New York (Somalilandmirror.com) –Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku gaadhay  in wakiilkiisii Soomaaliya Nicholas Haysom aan dalka laga rabin (persona non grata)

Gutteres ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu kalsooni buuxdo ku qabo Mr. Hasyom, oo uu ku tilmaamay nin khibrad leh oo goobaha adeegga dadweynaha ee caalamka aad looga xushmeeyo, kuwaasi oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan.

Waxa uu sheegay in xeerka persona non grata uusan qaban shaqaalaha QM.

Waxa uu yidhi “Sida ku cad xeerka 1961 ee Vienna, kuna saabsan xidhiidhada diblomaasiyeed, waxaa ( persona non grata) isku adeegsan kara laba waddan, sidaas darteed QM ma aha waddan”

Waxa uu intaas ku daray “sidaas oo jirta, haddana waxa xoghaye ahaan iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya.

UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida”

“Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, wakhtiga ugu haboon” ayuu yidhi.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay inay ka go’an tahay caawimaadda dadka Soomaaliya, iyo dadaallada ay ku gaadhayaan nabad, xasilooni iyo badhaadhe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: