Xog Ku Saabsan Kulanka Caawa Ee Manchester United vs Sevilla Ee Europa league Semi final.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu guul ku hoggaamiyo ​​Manchester United caawa iyagoo wajahaya Sevilla islamarkaana doonaya inay boos ka calaamadsadaan finalka Europa League.

United ayaa isniintii hore guul cidhiidhi ah oo daqiiqadihii u dambeeyay ah ka soo gaadhay kooxda FC Copenhagen wareega 8 dhammaadka Europa League, iyadoo rikoodhihiii loo dhigay Bruno Fernandes uu soo gaadhsiiyay semi finalka koobkan.

Sevilla ayaa sidoo kale 1-0 ku soo garaacday kooxda Wolves wareegii ugu dambeeyay isagoo goolka guusha oo soo daahay uu dhaliyay Lucas Ocampos.

Sevilla ayaa ilaashatay shabaqeeda 11 ciyaarood oo ka mid ah 19-kulan oo aan ilaa hadda laga adkaan – taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah kooxaha ugu qaab ciyaareedka fiican Yurub sannadkan.

Tababare Julen Lopetegui ayaa si weyn uga hadlay qaab ciyaareedka United, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kooxda ugu weyn adduunka, isagoo sidoo kale sheegay inuu kalsooni ku qabo in ciyaartoydiisu ay u soo diyaar garoobi doonaan kulankan.

Sevilla ayaa kor u qaaday Koobkan Europa League 5 jeer sannadihii 2014, 2015 iyo 2016, iyo sidoo kale 2006 iyo 2007 markaas oo loo yaqaanay UEFA Cup, xilli dad badan ay saadaalinayaan in Sevilla ay leedahay awood ay ku buquuniso kooxda macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Ma ogtahay?

– 21 rikoodhe ayaa Man United loo dhigay dhammaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan oo ay kujiraan afar Europa League, taasoo ka badan dhammaan kooxaha kale ee shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

– Kani wuxuu noqon doonaa kulankii saddexaad ee Yurub ee labadan koox dhexmara. Labadii kulan ee kale waxay ahaayeen wareega 16-ka ee Champions League 2017-18, iyadoo Sevilla ay 2-1 kaga badisay Old Trafford ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay galeen lugtii hore.

– United ayaa u gudubtay finalka mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay ee semi-finalka tartamada yurub (2007-08, 2008-09 iyo 2010-11 Champions League iyo 2016-17 Europa League), iyagoo guuleysatay 2 ka mid ah afartaas kulan.

Xogta kulanka:

Ciyaarta: Sevilla vs Manchester United

Tartanka: Europa League

Waqtiga: 10:00PM– Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: RheinEnergieSTADION, Cologne

Garsooraha: Felix Brych (Germany)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: