Xisbiyada Ucid iyo Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Xal Ka Keento Colaadaha Beelaha Ee Soo Noqnoqda

Hargeysa (Somaliland Mirror)- Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay xal deg-deg ah ka gaadho dagaal-beeleedyada soo noq-noqonaya ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobollada Bariga dalka, waxayna si gaar ah tallooyin ugu soo jeediyeen labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxayna kula taliyeen inay dagaalka iyo colaadda si bilaa shuruud ah ku joojiyaan.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jamaac Xaamud iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, dagaalna dhib iyo khasaare mooyee, tacab iyo faa’iido ma leh, aad iyo aadna waanu ugu xunnahay dagaalkan dhexmaray labadan beelood ee walalaha ah, waxaanu leenahay si bilaa shuruud ah ku joojiya dagaalka oo ALLE ka cabsada, dagaalka bilaa sababta ah iyo in qof bilaa sabab lagu dilo, waxaa lagu mutaystaa cadho ALLE iyo naar, ee ALLE u soo noqda oo heshiis qaata, Wefti ayaa ku baxay, laakiin Dawladdu ha ku dedaasho inay soo af jarto oo wax ka qabato dagaal-beeleedyada kolba soo noq-noqonaya oo xal iyo heshiis waara ha ka gaadho”.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jamaac Xaamud ayaa isna yidhi “Sannadadii ugu dambeeyey Gobollada Berri, dagaal beeloodyo ayaa ka dhacayey, oo marba meel ka dhacayey, waxaana dagaalladaas marka hore sabab u ahaa Iblays, ALLE sharkiisa iyo dhibtiisa ha inaga hayee, ee Beelaha dagaaladu dhexmareen, imika ha dhexmaraan, ama hore u dhexmaraana, waxaana ku talinayaa inay ogaadaan in dagaal dhib mooye aanu dheef lahayn, inuu qoomamo mooye, raasamaal lahayn, Beelahan waxyeelladu kala gaadhay ee shaydaanku ka faa’iidaystay waxaan ku boorinayaa inay dagaalka joojiyaan, oo nabad iyo heshiis kama dambays ah qaatan, Xukuumaddana waxaan u soo jeedinayaa inay doorkeedii iyo waajibkeedii ka qaadato, oo si deg-deg ah wax uga qabato colaadahan soo noqonaya”.

Dhinaca kale, Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jamaac Xaamud wuxuu ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo oo wax la taro dadkii waxyeeladu ka soo gaadhayo roobabkii dablayaha watay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: