Xildhibaano katirsan baarlamaankaSomalia oo Mudharaad  la gelay Golaha shacabka Iyo Jawiga oo isbadalay

Muqdisho(Somalilandmirror)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawi ka duwan midkii la filayay ku bilaabay kulanka maanta ee xildhibaanada baarlamaanka oo ah kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad.

 

 

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa baarlamaanka la galay warqado ay ku qoran yihiin in golaha shacabka uu yahay codka shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Islamarkaana golaha shacabka uusan aheyn mid lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed sida ku qoran qoraalka.

 

Xildhibaanada ayaa dalbaday in la badalo ajandaha kulanka maanta oo horey loo sheegay inuu yahay dhageysiga guddiga dib u eegista Dastuurka, waxaana ay doonayeen in loo badalo ajandaha dhanka amaanka.

 

Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka maanta ay doonayaan in gabi ahaanba laga dhigo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana jirto cabsi ah in kalfadhiga shanaad uu noqdo mid is qabqabsi badan abuura.

La soco waxiii kusoo kordhaa Insha allah

 

 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: