Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Xisbiga Waddani Ku eedey Inuu Ka Danbeeyo Jabhada Lagaga Dhaqaqay Buuralayda Gobolka Awdal Ee Cawaale.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada somaliland Ayaa Xisbiga WADDANI Ku Eedeyey Inay Ka Danbeeyaan Jabhadaha Lagaga Dhawaaqay Gobolka Aedal Ee La magac Baxday Cawaale.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa Si Gaara Farta Ugu Fiiqay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi Oo Isaga Hore Khudbad Uu Jeediyey Ku Sheegay In Wadanka Jabhado Ka Bilaamayaan Gaar Ahaan Gobolka AWDAL.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa Sheegay In Murashax Maxamed Cali Ku Lug Leeyahay Jabhada Lagaga Dhawaaqay Gobolka Awdal Wuxuuna Yidhi.
” Murashaxa Madaweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Ee Ku Dhaartay Burco Ee Yidhi Jabhad Ayaanu Taagerayna Oo Weliba Hubaynayna Ayaa Ka Danbeeya Jabhadaas La Magac Baxday Cawaale Ee Xalay Dhaaranaysay “


Hadalkan Kasoo Yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa Sii Xoojinaaya Tuhuno Hore Oo Laga Qabay Xisbiga WADDANI Inuu Ka Danbeeyo Jabhadaha Lagaga Dhawaaqay Deegana Gobolka Awdal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: