Xeer Ilaalinta Itoobiya Oo Shaacisay Baadhitaano Hor Leh Oo Ay Bilaabeen Iyo Cida Lagu Beegsanayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in hada laga shaqaynayo sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadkii masuulka ka ahaa khilaafaadkii ka dhacay dalkaasi, gaar ahaana kuwii dhacay dhawaan.
 
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xeer ilaalinta Itoobiya oo ay baahisay Fana Kooxda baadhista ayaa loo diray meelaha ugu waa weyn ee ay mudan tahay in baadhis lagu sameeyo si ay u soo cadeeyaan kuwa loo tirinayo khilaafaadkii dhacay ee sababay dhimashada iyo baro kicinta dadka shacabka ah isla markaana dhaawaca u gaystay hantidii ay dadkaasi lahaayeen.
 
 
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya uu xoojinayo dedaal uu galinayo sidii uu u hubin lahaa isku xukunka sharciga , ilaalinta xaalada wanaagsan ee muwaadiniinta, iyada oo cadaalada la hor keenayo kuwa ka masuulka ah dhaca iyo dhaqaale xumida isla markaana lagu eedaynayo inay gaysteen falal ka soo horjeeda bani aadaminimada.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay xeer ilaalinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in natiijada ka soo baxda baadhitaanada loo soo bandhigi doono dadweynaha.
 
Halkan Guji Si Aad Warkaas Uga Akhrisato.
 
 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: