Wefti Heer Wasiir Ah Oo Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Soo Gaadhay Magalada Hargeysa.

Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa Maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna la filayaa inay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Muuse Biixi Cabdi ku qancin doonnaan aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, taasoo sida wararku sheegayaan uu toddobaadkii hore kula soo qaatay magaalada Addis ababa oo ay kulan ku yeesheen madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo wax iska badalleen markii uu Hargeisa soo gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Weftigan uu horkacaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa la filayaa inay Madaxweyne Muuse Biixi u soo bandhigaan fullinta qoddobadii uu ku soo aqbalay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, iyaddoo uu madaxweynuhu khudbad sanadeedkii uu maalintii shalay uu u jeeddiyay Golha Barlamaanka ka sheegay inaanay suurto-gal ahayn booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, hase yeeshee waxa  isha Lagu  hayaa Qoddobadda ay Weftigaaasi u soo gudbiyaan iyo go’aannada uu ka qaaddo Muuse Biixi Cabdi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: