“Weerarkii Nairobi Wuxuu Jawaab U Ahaa Go’aanka Mareykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Isra’iil…” Al-Shabaab

Nairoobi(somalilanmirror)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

 

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin.

 

Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”.

 

Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: