Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ka Waramay Heerka Waxbarashada Ee Somaliland

Guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan xog waraysi ah la qaatay wasiirka waxbarashadda.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka waxbarashada ayaa la xidhiidhay sidii uu wasiirku warbixin uga siin lahaa halka ay marayso waxbarshada dalku.
Waxaana faahfaahin ka bixiyay kulankaasi kadib guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda iyo wasiirka waxbarashadda.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha bulshadda ee Golaha Guurtidda Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, ayaa dhankoodda ka hadlay kulanka ay la qaateen Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska, waxaannu yidhi
“Wasiirku waxa uu na siiyay Xog-waran aad u qiimo badan oo tifaftiran, oo wixii goluhu na yidhi soo waydiiyanna aannu ku waydiinay halkan, wixii jawaab ahna waxaannu dib ugu celinnaynaa Golihii Guurtidda ee na soo diray. Wasiirka iyo bahdiisaba aad ayaannu ugu mahad-naqaynaa si fiicanna waannu isku af-garanay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo ah Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshadda golaha Guurtidda.
Waxa isagunna dhankiisa ka hadlay ujeedka kulankaasi daarannaa Wasiirka Waxbarashadda Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno), waxaannu iftiimiyay in Wasaaradda Waxbarashaddu la shaqaynayso dhammaan-ba Hay’addaha kala duwan ee dawladda, gaar ahaanna Waaxda Xeer dejinta ee Guurtidda iyo Wakiillada oo si dhaw ula shaqeeya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska.
“Maanta halkan (Xarunta Wasaaradda Waxbarashadda), nagu soo booqday Guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha guurtidda oo ka mida labada gole ee heer qaran ee Xeer dejinta oo ay wada shaqayn leeyihiin Wasaaraddaha si loo miisaamo ama loo hubbiyo Wasaaraddu waxay qabanayso oo ay na waraystaan si wixii ay nagu kordhinayaanna ay noogu sheegaan si aynu u helno Maskax wada-jirta. Sidaa si la midda Annaguna wixii aannu qorshe haynay, heerka Waxbarashaddu marrayso iyo halkii aannu ka nimid ayaannu u sheegnay Guddida” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda Axmed Toorno.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: