Wasiirka Warfaafinta Oo Nidaam Qabyaalad & Qaraabo-kiilnimo Ah Ka Bilaamay Wasaaraddaas

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,ayaa qaaday tallaabooyin u muuqda qaar dib-u-istaadhaya buuqii iyo is-qab-qabsigii ka dhex jiray Wasaraadda Warfaafinta Somaliland.

Masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda oo haatan muddo kooban hayay xilka Wasaaradda,ayaa durtaba ku dhaqaaqay go’aamo keeni kara inay meesha ka baxdo filashadii Bulshadda ee ahayd inay Waasaraddu si habsami ah u shaqayso,maadama sababta uu Madaxweynuhu ugu soo magacaabay ahayd inay Wasaaradda u keenaan xal ka duwan kii ay markii hore ku jirtay.
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye,waxa uu sameeyay laba Xil-ka-qaadisood,kuwaas oo uu ku sameeyay Labadda Waaxood Wararka iyo Barnaamijyadda ee Tv-ga qaranka.

Tusaale ahaan, Waaxda Wararka ee Tv-ga waxa wada joogay Maxamed Cabdilaahi Shabeel iyo Maxamed Foosi.Markii Maxamed-Shabeel Masuuliyaddii Wararka si toos ah ugu wareejiyay Abiib Iimaan Xasan oo loo magacaabay,Wasiirku waxa uu abiib ku war-galiyay inuu Maxamed Foosi Ku-xigeen u noqon doono,taas oo ka yaabisay shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta.

Dadka Wasiirka xog-ogaalka u ahi waxay sheegaan in Maxamed Muuse Diiriye yahay shaqsi si weyn ugu dhaqma qabyaaladda,waxaana lagu sheegay sababta uu ugu sii hayo Waaxda Wararka ee Tv-ga ay tahay maadama ay Xaaska Wasiirku eddo ruma u tahay.

Arrin kale ayaa iyana ka dhacday Wasaaradda intii uu joogay Wasiirku,waxaana uu Wasiirku Waaxda qorshaynta ee Wasaaradda u magacaabay Masuul ay isku beel yihiin oo xataa aan ka tirsanayn Wasaaradda.

Dhinaca kalena,waxa uu Wasiirku faro-galin ku sameeyay Kal-tankii Labadda Wariye ee Wasaaradda ugu qoran Madaxtooyadda ee Ridwaan Caydiid Ismaaciil Iyo Axmed-Zaki Daahir Xasan,kuwaas oo midna Shan Cisho shaqadda lahaa,ka kalena Labo cisho lahaa,taas oo lagu soo shaqaynayay Sannad iyo badhkii ay Xukuumaddu jirtay.

Haatan Wasiirku waxa uu wadaa qorshe wax lagaga bedelayo Kal-tankaas,isaga oo garabsiinaya Wiilka uu Adeerka u yahay.
Arrimahan iyo kuwo kale oo aad u badan ayaa hadheeyay Wasaaradda,waxaana muuqato in Wasiirku Wakhti badan ku luminayo kala xigsashadda shaqaalihiisa,isaga oo nidaam qaraab-kiil adeegnaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: