Wasiirka Ka Tirsanaa Xukuumada Raysal Wasaare Khayre Oo Iminka Is Casilay + Sababta.

Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay.

Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira.

 

Wuxuu sheegay in isaga oo xildhibaan ah uu difaaci doono, waxna u qaban doono dadkiisa, balse uusan qeyb kasii ahaan karin dowladda

 

 

Geesey ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Laysaan oo sidoo kale Mukhtaar Roobow uu ka dhashay, waana beesha ku badan ee degta magaalada Baydhaba iyo gobolka , Geesey ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Baay.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: