Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Hargeysa Amb Xuseen Cumar Kawaaliye.

 

Wasiir Faratoon oo qoraal kooban ka soo saaray kulanka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti yahay mid ku dhisan dhaqan wadaag iyo ganacsi xooggan “Waxaanu badanaba isku raacsanahay sii xoojinta xidhiidhka,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

 

 

Ma cadda in kulankan ay soo dedejisay xiisadda todobaadkii la soo dhaafay ka dhex taagnayd ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti taas oo keentay in bulshada Somaliland si weyn u dhalliisho madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

 

 

Ganacsato isxilqaamay oo reer Somaliland ah ayaa dejiyay xiisadda kuna hawlan xal u helista arrimaha la isku hayo

 

 

 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: