Wasiirada Gaashaandhiga Ethiopia oo Madaxwaynaha Djabuuti kala kulantay arrimo Xasaasiya .

Djabuuti ( Somalilandmirror.com) wafdi ay hogaaminayso wasiirada Gaashaandhiga Ethiopia iyo madaxa sirdoonka iyo amniga ee Ethiopia ayaa gaadhay Djabuuti si ay dawlada Djabuuti ugala hadlaan arrimo ku saabsan nabadgaliyada xuduudaha labada wadan.

wafdiga Ethiopian ka ayaa la kumay madaxwaynaha Djabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo raisal wasaaraha Djabuuti cabdilqaadir kaamil Maxamed.

ujeedada ugu wayn ayaa ahayd in labada dal kawada xaajoodaan, dagaalada qabiilada dhex maraya .

si gaara waxa laga wada hadlay deegaanka canfarta iyo Soomalida Ethiopia oo wakhtigan dambe uu kor u kacay dagaalada u dhaxeeya canfarta iyo Soomalida yadoo loo malaynayo in gacmo shisheeye ku jiraan oo isku dirayaan qabaa’ilka .

Dawlada Ethiopia ayaa rabta in laga hortago dagaalada si ayna usii fidin, ama ay labada wadan waa Ethiopia iyo Djabuuti ayna isku dhicin.

Isbadaladii ka dhacay geeska ka dib xidhiidhka Ethiopia iyo Eriteria ee soo noqday ayaa waxaa uu keenay in xidhiidhka Ethiopia iyo Djabuuti uu xoogaa soo galo shaki.

Dawlada Djabuuti ayaa ka baqaysa in xidhiidhka Ethiopia iyo Eriteria ee soo noqday uu saamayn ku yeesho ganacsiga Djabuuti.

Dawlada Ethiopia ayaa boqolkiiba 90 isticmaali jirtay dakada Djabuuti,  laakin Eriteria ayaa imika laga yaaba in Ethiopia ay isticmaasho dakadaheeda, si ay u badsato meelaha ay wax uga soo dagaan ama ay wax ka dhoofiso, oo ayna ku tiirsaanin kaliya Djabuuti.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: