Wasiir Sacad Cali Shire Oo Shaaciyey Inaanay Somaliland Ahayn Gooni-u-goosad

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Shaaciyey Inaanay Somaliland Ahayn Gooni-u-goosad [GUDAHA KA AKHRI:] Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxaad ka bixiyay qaddiyadda Somaliland iyo muhiimadda ay ugu fadhido Soomaaliya, gobolka iyo caalamka in Somaliland nabad ahaato citiraafna hesho. Wasiir Sacad oo u warramay Somaliland Now ayaa sheegay in Somaliland ka noqotay midnimadii Soomaaliya laakiin, aanay ahayn gooni u goosad sida dadka qaar u maleeyaan

Dadka qaar ayaa yidhaahda ‘haddii Somaliland la aqoonsado waxay dhiiri gelinaysa gobollada kale ee Soomaaliya in ay gooni isu taag doonan laakiin, anagu cidna kama goosanayno laakiin, waxaanu nahay dal la midoobay dal kale oo ka noqday midnimadii waa taas xaqiiqadu,” ayuu yidhi Dr Sacad. Waxa uu intaasi raaciyay ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay aqoonsiga Somaliland”Haddii Somaliland la aqoonsado Waxaan aamminsanahay in aanu dhammayn karno dhibaatada Soomaaliya waayo dadkan (Somalia) waxaanu u naqaana si ka fiican cid kale oo kasta,”ayuu yidhi wasiir Sacad oo intaasi raaciyay in Somaliland hore u xallisay mushkiladaheeda waayo aragnimadaasna ay leedahay.

Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda Somaliland u leedahay amniga gobolka iyo caalamka isaga oo sheegay in amniga Itoobiya iyo Jabuuti ku xidhan yahay degenaanshaha Somaliland”Marka loo eego caalamka, Berbera waxay ku taalla bogcad

aad u istaraatiji ah, haddii aanay ka badqabin Budhcad Badeed iyo Argagixiso waxa istaagaya ganacsiga u dhexeeya Yurub iyo Aasiya, ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub iyo inta kale oo dhan,




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: