Wararkii ugu dambeeyay ee Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan/China

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti sare oo ka socda dawladda shiinaha oo kulmay ayaa isku af-gartay in la xoojiyo xidhiidhka shiinaha iyo Somaliland gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, Ganacsiga iyo horumarka.

Sidoo kale waxay isla garteen in labada dhinac ay is ixtiraamaan.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.

Idaacadda BBC-da waxay isku dayday inay la xidhiidho wasaaradda arrimaha Somaliland iyo safaaradda Shiinaha balse wax jawaab ah kama aanan helin. Wararka ayaa intaa ku daraya, in Somaliland dhankeedu ka cagajiidayso waxyaabaha uu u soo bandhigay shiinuhu, oo uu rabo inuu kaga beddesho inay ka noqdaan xidhiidhkooda Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii bishii hore ku heshiiyay heshiis dhanka iskaashiga ah.

Wasiirka arrinmaha dibadda ee Somaliland, Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa xilliggaas sheegay inay soo dhaweynayaan iskaashi dhexmara labada dhinac.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan saxiixno heshiis dhanka diblomaasiyadda oo dhexmara labadeena dal”, ayuu bartriisa Twitter-ka kusoo qoray wasiir Faratoon.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: