Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Kai Havertz ayaa ku sii dhowaanaya inuu £ 90million ugu biiro Chelsea, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Tababaraha Bayer Leverkusen Peter Bosz ayaa ku andacoonaya in weeraryahan Kai aysan u badneyn inuu tababar dambe la qaadan doono Leverkusen, isagoo soo jeedinaya in Blues ay ku dhow dahay inay la wareegto da’yarkan ka dib wadahadalo toddobaadyo qaatay.

Havertz, oo 21 jir ah, ayaa haatan la jooga xulka qaranka Jarmalka isagoo ka qayb qaadan doona kulamada Nations League ee ay la ciyaarayaan Spain iyo Switzerland.

Bosz ayaa sheegay inaanu filaynin inuu ku soo laaban doono kooxda Bayer Leverkusen bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Bundesliga.

Bosz ayaa yidhi: “Nasiib darro, kooxdu weli ma diyaarsana. Ma filayo in Kevin Volland iyo Kai Havertz ay markale tababar nala qaadan doonaan.

“Waa macquul in ciyaartoy kalena naga tagi doonaan. Xaqiiqadu waxay tahay inaanu heli doono ciyaartooy booskooda buuxiya.”

Volland oo 28 jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu ku sii jeedo kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Monaco.

Sky Sport ayaa sidoo kale warinaysa in xiddigii ka maqnaa Barcelona ee Lionel Messi aanu shalay soo xaadirin tababarka, iyadoo weeraryahanku uusan aaminsanayn inuu ka mid yahay kooxda Ronald Koeman.

Aabaha Messi iyo wakiilkiisa Jorge ayaa la filayaa inay berri la kulmaan madaxda Barca si ay uga wada hadlaan mustaqbalka wiilkiisa.

Kooxda reer Spain ayaa isku dayyasa inay qanciso 33 jirkan reer Argentine si uu u sii joogo laakiin Man City ayaa ku sugaysa albaabka dhinaciisa kale.

Messi ayaa doonaya inuu dib ula midoobo tababarihiisii hore ee Barcelona Pep Guardiola, kaasoo doonaya inuu Man City dib u habayn ku sameeyo ka dib markii City ay ku guuldaraysatay hanashada Premier League iyo Champions League-gaba xilli ciyaareedkii hore.

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis 40 milyan ginni ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Donny van de Beek, sida laga soo xigtay ESPN.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu xoojiyo daafaca kooxdiisa xilli uu 23- jirkan uu u maray tijaabada caafimaadka.

Daafaca aadka loo qiimeeyo ee RB Leipzig Dayot Upamecano ayaa la rumeysan yahay inuu hadda diirada u saaran yahay Solskjaer.

Daafacan dhexe ayaa dhawaan qandaraaska u kordhiyay kooxdii semi-finalka Champions League timid ee RB Leipzig laakiin United ayaa kalsooni ku qabta in heshiis ay la gaadhi karto ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League-ga.

Dhanka kale, Daily Mail ayaa sheegaysa in Jesse Lingard oo 27 jir ah iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Andreas Pereira, oo 24 jir ah ay dheeraad ku yihiin joogitaanka Old Trafford.

Everton ayaa wadahadalo kula jirta Real Madrid kuwaasoo ku aadan James Rodriguez iyadoo laacibka reer Colombia uu la midoobayo tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti.

The Times ayaa sheegaysa in tababaraha Toffees Ancelotti uu ku dhow yahay inuu dhameystiro soo xerogelinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli Allan oo 29 jir ah kaasoo ku kacaya 25 milyan ginni, waxaana uu doonayaa inuu sidoo kale Rodriguez ku daro kooxdiisa oo uu xoojin doono.

Zlatan Ibrahimovic ayaa soo afjaray wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsan mustaqbalkiisa iyo hlaku uu uga socodo Milan isagoo saxiixay heshiis hal sano ah.

38 jirkaan reer Sweden ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan iyadoo ay jireen warar xan ah oo sheegayay inaan qandaraas cusub loo soo bandhigi doonin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: