Wararkii Ugu Dambeeyay Ee loolanka Saylici iyo Wasiir Saajin ee kursiga Kulmiye

Waxaa markii labaad aan suuro gal noqon inay isku tanaasulaan labada musharax ee ilaa hadda u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiir Saajin , kuwaasoo kulankoodii ugu danbeeyay xalay ka dhacay xarunta madaxtooyadda .

Kulankan oo xubno kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal ay goobjoog ku ahaayeen ayaa loogusoo bandhigay inay isku tanaasulaan mar hadii aanu jirin laba musharax oo kale oo kuwada loolamay xilalka kale ee hogaanka xisbiga Kulmiye .
Kulankaasina muu noqon mid midha dhal kusoo dhamaada , waxaana cad in labadaa musharax ku hirdamayaan doorashada gudoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye oo lagu wado inay dhacdo horaanta bishan fooda inagusoo haysa , hadiiba aan midkood tanaa sulin ama aanu ka gaabsan inuu ka qeyb galo shirkaasi .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: