Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jabuuti oo gaadhay magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Somalilandmirror.com ) –Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ku jira xildhibaano, wasiiro, ganacsato, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan madaxtooyada Jabuuti iyo Fanaaniin muddo aanan imaan Soomaaliya.

Fanaaniinta soo gaadhay magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar oo sheegay in 30 sano uusan  imaan magaalada Muqdisho, waxaana waqtigiisa ugu badnaa uu ku sugnaa dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle waxaa uu qorshahiisu yahay inuu xadhiga ka jaro safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo noqoneyso safaaradda labaad ee ugu weyn ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa mashaariic dowladda Jabuuti ay ka hirgelineyso dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qorshaha uu yahay inuu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: