“Waddada la sheegay inay tahay Afar haad wax macno ah oo ay Soo kordhinayso Ma Jirto….”Ex-Wasiir Kaysar Maxamed

Ex-Wasiir Kaysar Maxamed ayaa qoraalkan qorey”Asalaamu Calaykum

Hargeysi waxay u baahan tahay Laami weyn oo balaadhan oo isku xidha Kaantaroolka Bari ilaa Kaantaroolka Galbeed ee Hargeysa.

Waddada la sheegay inay tahay Afar haad ee la yidhi waxa laga soo bilaabayaa Green Plaza Hotel, waxaana lagu joojinayaa Dawlada Hoose horteedu wax macno ah oo ay ku soo kordhinayso caasimadu ma jirto kol hadii aan wadadu wada gaadhayn caasimada.

Waxaa loo baahan yahay Wadadaasi inay gaadho labada Kaantarool ee Galbeedka iyo Bariga Magaalada si uu u noqdo jid weyn oo Caasimada oo dhan wada anfaca oo bilicna soo kordhiya, maadaama Dhaqaalaha jidkaas lagu dhisayaa uu yahay dhaqaalihii Dawlada dhexe iyo Dawlada hoose oo ay waajib tahay in Caasimadu u sinnaato”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: