Wareegii labaad ee wada-hadallada u dhexee dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia, ayaa maanta ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Dalalkan ayaa ka wada hadlay mustaqbalka Biyo-Xidheenka ugu wayn Afrika oo laga dhisayo dalka Ethiopia, kaasi oo saamaynaya webiga Nile.
Wada-hadlkan ayaa daba socda kulamo ay dowladda Maraykanku ku dhexdhexaadinaysay dalalkaasi oo bishii hore lagu qabtay magaalada Washington.