Wa Kuma Wakiilka Cusub Ee Itoobiya Usoo Magacowdey Somaliland.

Hargiesa ( Somaliland Mirror )- Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee Somaliland warqadaha aqoonsiga looga guddoomay wakiilka dowladda Itoobiya ee Somaliland Dr. Saciid Maxamed Jabriil.

Wakiilkaan cusub oo kasoo jeeda deegaanada Kililka Shanaad ayaa badalay Shamsudiin Axmed Rooble oo horay ugu wakiil ahaa Itoobiya arrimaha Somaliland, kaasoo in muddo ah howsha ka maqnaa.

Dr. Saciid Maxamed Jabriil oo Axadii soo gaadey magaalada Hargeysa ayaa guda galay howlaha loosoo magacaabay, oo iminka ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay xidhiidh Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo saameeyay siyaasadda webiga Nile ee Masar iyo Itoobiya ay isku hayaan.

Dr. Saciid ayaa horay u ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda qaranka Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku matalayay shirar caalami ah oo arrimaha waxbarashada looga hadlayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: