Uhuru Kenyatta Oo Soo Jeediyay In La Baabi’iyo Soohdimaha Uu Sameeyay Gumeysiga

Uhuru Kenyatta Oo Soo Jeediyay In La Baabi’iyo Soohdimaha Uu Sameeyay Gumeysiga Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa ku baaqay in dadka Afrika aysan u ku kala qeybsamin sohdimaha uu sameeyay Gumeysiga, wadajirkoodana u maraan diblamaasiyadda dhaqanka. Hadalkan ayuu Madaxweynaha Kenya ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Kenya kula qaatay hoggaamiyaha Beelaha Dagoodiye ee dega Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Mr Uhuru ayaa sheegay in Kenya aysan halis u arkin deriskeeda beddelkeedana u aragto bahwadaag sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu Wabar Cabdulle Wabar Cabdi uga mahadceliyay dadaalka iyo farriinta nabadeed ee uu ka dhexwado dadka ku nool Geeska Afrik

Kulanka ka dhacay Madaxtooyada Kenya waxaa ka qeybgalay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayay Wabarka, Mas’uuliyiinta Beesha Dagoodiye ee ku jira dowladda Kenya iyo danjiraha Itoobiya ee Kenya. Wabarka ayaa saldhiggiisu waxaa uu yahay Dalka Itoobiya,waxaana markii ugu horreysay uu socdaal ku tagay Dalka Kenya isaga oo farriin nabadeed ugu baaqayay Soomaalida iyo dadyowga kale ee dega Kenya iyo Itoobiya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: