Tijaabada Talaalka Xanuunka Coronavirus Oo Soo Gaadhay Dalka Kenya & Xaaladihii Ugu Dambeeyay.

Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19. Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka.

Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada. Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”.

Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19. Mid ka mid ah kooxaha hoggaaminaya howsha raadinta tallaalka wuxuu saldhiggooda yahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK – halkaasoo ay ka wadaan tijaabada dawada xalka u noqon karta cudurka oo lagu magacaabay ChAdOx1 nCoV-19 – taasoo lagu tijaabinayo in ka badan kun qof oo ku sugan UK.

Qalabka lagu baaro Corona

Hadda waxaa dadaalka kusoo biiray cilmibaareyaasha Kenya. Afarta boqol ee qof ee tijaabada isu xilqaamaya ayaa laga doonayaa inay da’dooda ka sarreyso 18 sano, ayna yihiin shaqaale caafimaad oo rasmi ah, kuna sugan magaalo xeebeedka Kilifi.

Waxaa jiray muran hareeyay fikradda ku saabsan in tallaalka cudurrada lagu tijaabiyo qaaradda Afrika, laakiin cilmibaareyaashu waxay sheegeen inay oggolaansho sharci ah raadin doonaan ka hor inta aysan tijaabada guda galin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: