Taariikhda inqilaabyada , iyo Kacdoonada dadwaynaha Sudan ee soo noq noqda .

Sudan (Somaliland Mirror)- Dawlada Sudan ayaa tan iyo intii ay xuriyada qaadatay oo waddan madax banaan noqotay 1956 ciidanku marba xukunka ayuu la wareegayay oo dawladaha ( civilyanka) ama shacabku doortay kala wareegayay.

1956 – 1958 waxaa wadanka Sudan ka talinayay dawlad shicib ah oo laba xisbi ay ku bahoobeen oo kala ahaa xisbiga ummada, iyo xisbiga midawga dimuqraadiyada. Isbahaysiga labada Xisbi waxaa madax u ahaa Ismaaciil Al azhari iyo Cabdallah khaliil.

Laakin laba sanadood ka bacdi markuu sanaku ahaa 1958 ayaa inqilaab military waxaa xukunka ku qabsaday Ibrahim Cabuud.

1964 ayaa kacdoon aad u wayn shacbku xukunka kaga riday Ibrahim Cabuud, dabeetana waxaa markiiba la qabtay doorasho, taas oo xukunka mar labaad ku soo calisay dawlad shacab ah oo ku meel gaadh ah.

Dawladii Shacab ka ahayd ayaan noqon dawlad caga adag ku taagaan, dabeetana arrinkaas ayaa kalifay in ciidanku marlabaad  inqilaab fuliyaan, inqilaab kaas oo uu fuliyay Jacfar Al Numeeri markuu sanadku ahaa 1969.

Jacfar Al Numeeri ayaa 16 sanadood xukunka hayay, inkastoo dhawr jeer la isku dayay in la inqilaabo , laakin wuu ka badbaaday.

6 April 1986 dadwaynaha Sudan ayaa kacdoon wayn sameeyay , taas ayaa keentay in Maarshaal  Cabdi raxmaan Siwaar Al dahab uu kursiga  ka tuuro Jacfar al Numeeri,  islamarkaana waddaka si ku meel gaadh ah sanad Madaxwaye ka noqdo, doorasho ka bacdina xukuumad uu shacabku doortay ku wareejiyo, xukuumadaasna waxaa hogaaminayay  Saadiq Al mahdi.
Cabdi raxmaan Siwaar Al dahab ayaa noqday ilaa imika Askariga qudha ee balantiisii kasoo baxay oo kursiga intuu si ku meel gaadh ah ku qabtay, dabeetana wakhti yar ku wareejiyay.

Markale ayay haddana ciidanku inqilaab dhigeen oo kursiga la wareegeen 1989 waxaana madaxwayne noqday Cumar Al Bashiir.

Xisbi Islaami ah oo uu hor kacayay Xasan Al turaabi ayaa kala shaqeeyay inqilaabka ciidanka markan.

Cumar Al Bashiir ayaa wakhti gaadhaya 30 sanadood Sudan madaxwayne ka ahaa , inta aan maanta kursiga ciidanku ka riixin , kadib markii dabayaaqadii 2018 kacdoon dadwayne uu bilaabmay. kacdoon kaas oo markii hore ku bilaabmay cabasho ka timi  nolosha oo adkaatay  oo qaaliyooday, laakin markii dambe isu badalay, in ay dadwaynuhu dalbadaan in la rido Al Bashiir,  taas oo dhacday maanta 11 April 2019.

Cumar Al Bashiir ayaa intuu kursiga ku fadhiyay waxaa dhacay in Sudan ay laba waddan u qaybsantay,  iyo in dagaal ba’an uu ka dhacay Darfur kaas oo dad badan lagu laayay, islamarkaana keentay in maxkamada adduunku ay waaran u jarto Al Bashiir.

Haatan iyo imika ayaa waxaa isha lagu hayaa sida uu ciidanku yeelayo mar haddii uu kursigii Al Bashiir ka riixay, ma waxa ay yeelayaan sidii Cabdi raxmaan Siwaar Al dahab oo wakhti yar intay doorasho ku qabtaan bay xukunka dawlad shicib ah oo la doortay  ku wareejinayaan, mise yaga ayaa xukunka haynaya oo xukun military ayay Sudan ku sii jiri doontaa.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: