Taageerayaasha Kooxda Barcelona Oo Isku Soo Baxyo Ku Taageeray Laacibka Messi.

Jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa iskugu soo baxay dariiqyada magaalada ay kooxdaasi ka dhisan ee Barcelona, waxaanay muujinayaan taageero weyn oo ay la garab taagan yihiin xiddigooda Lionel Messi oo caddeeyey inuu iskaga tegayo kooxda.

Barcelona ayaa ku jirta xaalad qasan oo aan la garanayn waxay ku dambaynayso, waxaana go’aan beryahanba la sugayay ku dhawaaqay Messi oo dalbaday in si bilaash ah lagu fasaxo, iyadoo la eegayo wixii uu soo qabtay, isla markaana qaddarin iyo tixgelin loo muujiyo.

Laakiin kooxda ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay sida ay warbaahinta Spain shaacisay, waxaanay u sheegtay in aanu ku riyoonin in bilaash lagu fasaxo, taas oo ah jawaab la filayay inay imanayso markii la akhriyey qodobaddii ku qornaa warqadda codsiga ah ee Messi.

Jamaahiirtu waxay ku qaylinayaan magaca Lionel Messi iyagoo dalbanaya in halkii uu laacibkani ka tegi lahaa uu iska baxo Bartomeu.

Warbaahinta Spain ayay qaarkeed tabinaysaa in Josep Maria Bartomeu uu aqbalay inuu iscasilo oo uu shaqada ka tago si ay suurtogal u noqoto in Lionel Messi uu sii joogo kooxda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: