Sucuudiga Oo Ku Soo Biiray Dalalka Dhexdhexaadinaya Somaliland iyo Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa.

Dhanka kalene waxa xusid mudan in kulan-kaa uu Madaxweyne Biixi qasrigiisa Madaxtooyadda kula yeeshay danjire Dr Mohammed Abdi-kani Khayat aan lagu sheegin in ay ka wada hadleen  in Dowlada sucuudigu ay danaynayso sidii wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya loo soo celin lahaa, isla markaana ay iyadu doonayso inay ku dhexdhaxaadiso.

Geesta Kalene Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho, sidaana waxa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya,Itoobiya Ereteriya  iyo waddamo kale oo badan .”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: