Su’aallo Ka Dhashay Markab Sida Naaftadii Ugu Badnayd Oo Dekeda Berbera Ku Soo Xidhay.

Shirkad magaceeda lagu sheegay Trafigura, ayaa keentay Magaalada Berbera Naafto gaadhaysa 14 Kun oo tan, taas oo la filayo in maalmaha soo socda lagu shubo Haamaha Shidaalka ee Berbera Ma cadda weli cidda si rasmiga ah u leh Naaftada Markabku wado, balse sida ay Warbaahinta u sheegay Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera Xasan Embessy Markabkan ayaa Naaftada uu wata noqon doontaa mid Jaban,oo dadka faa’iido u leh.

Masuulkan si cad uma sheegin in ay Dawladdu keentay Naaftada, balse uu carrabaabay Shirkad ku cusub dhegaha dadka oo aan hore u keeni jirin dalka wax Shidaal ah taas oo uu magaceeda ku sheegay Trafigura, Qandaraasna ka qaadatay soda uu yidhi Dalka Itoobiya.

Warar madax bannaan ayaa tibaaxay in Naaftadani ay tahay mid ay Xukuumaddu keentay oo ay iibinayso, taas oo noqon karta markii u horreysay ee Xukuumadda talada haysaa ay Waddanka keento Naafto, taasoo ay hore Waddanka u keeni jireen Ganacsatada Shiidaalku.

Image may contain: ocean, outdoor, water and nature

Shirkaddan Trafigura oo ah mid ka shaqaysa dalal adduunka ka mid ah, isla markaana ka shaqaysa dhinaca dhoofinta Shidaalka iyo tamarta ayaa waxa mar ka hadlay qorshe heshiis lagula gelayey Wasiirka Ganacsiga Somaliland, taas oo sannadkii 2019-kii xusay in ay Shirkaddaasi wada hadal u socdo, balse aanay weli heshiis rasmi ah la gaadhin. Guddida joogtada ee Golaha Wakiillada ayaa wakhtigaasi Wasiirka Ganacsiga wax ka weydiiyey Qorshihii ay wadeen ee la xidhiidhay Shirkadda Trafigura.

Image may contain: one or more people and outdoor

Naaftadan Markab waday ee Shirkadda Trafigura keentay Berbera, ayaa waxa dul hoganaya su’aallo u baahan in laga jawaabo, kuwaas oo ay ka mid yihiin cidda sidda rasmiga ah u leh Naaftadan?, Shirkadda keentay cidda leh? Heshiiska Cidda la gashay? Qiimaha lagu iibinayo Naaftada?




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: