Somaliland Oo Ku Taamaysa In Boqolkiiba Soddon Baddeecadaha Kontiinarrada Itoobiya Ka Soo Degaan Berbera

Somaliland Oo Ku Taamaysa In Boqolkiiba Soddon Baddeecadaha Kontiinarrada Itoobiya Ka Soo Degaan Berbera
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa doonaysa in Boqolkiiba Soddon Shixnadaha Kontiinarrada Itoobiya ay ka soo degaan
dekedda Bebera, iyadoo uu kala badh wejigii hore ee casriyeynta dekeddu dhammaatay.


Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Capital oo
ka soo baxa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Cabdilaahi u
xaqiijiyey Wargeyskaas in casriyeynta marsadda Berbera la dhammaystiri doono Bisha October 2021ka.

Warsidaha Capital waxa uu sheegay in dhismaha jidka Berbera Corridor oo dhererkiisu yahay 250km oo isku xidhaya
Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu jidkaasi wax ka
tarayo sidii Itoobiya ay u isticmaali laheyd dekedda Berbera.
Sidoo kalena, Maareeyaha Dekeduhu wuxuu sheegay in fulinta qorshaha casriyeynta iyo ballaadhinta marsadda Berbera ay u
socoto sidii loogu talogalay.

Jidka Berbera Cooridor oo lagu wado inuu dhammaado Bisha May ee sannadka fooda innagu soo haya, waxa Guddi wadajir
ah oo ka kooban Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga wada shaqeynayaan arrimaha kastamada iyo cashuuraha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: