Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay Madaxwaynaha Puntland, iyo taariikh Nololeedkiisii

Garoowe(Somalilandmirror.com)- doorashadii Puntland ayaa sadex wareeg ka dib la dooraty Siciid Cabdullaahi Deni inuu noqdo Madaxwaynaha Puntland.

Saciid Cabdulaahi Dani ayaa helay 35 cod halka Musharaxa kaalinta labada galay Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano uu isna helay 31-cod.

haddaba Somalilandmirror.com ayaa halkan si kooban uga hadlaysa taariikhda Madaxwaynaha cusub;

Dhalashada iyo Waxbarashada:

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-1967 dii ku dhashay  magaalada  Muqdisho,

sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho

halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

Xagga shaqada wuxuu qayb lexaad leh kasoo qaatay arrimaha waxbarashada,  iyo arrimaha bulshada,  isagoo ka qayb qaatay asaasidii iskuulo waxbarasho.

xagga siyaasada wuxuu xubin ka noqday barlamaanka Somalia,  wuxuu kalee soo noqday wasiir dawlada Somalia ama heer Federaal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: