Shirkada DP World Oo Shaacisay Caqabadaha Ka Haysta Balaadhinta Dekadda Berbera .

Berbera (somalilandmirror)­ Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa
ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera Madaxweynaha Somaliland
ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka
dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay.
Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaadhinta dekadda

 

 

magaalada Berbera Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay
sameynayeen uu gaaray kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadh shaqo
joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaadhin weyn lagusameeyo Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha
shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaarinta dekada magaalada Berbera.

 

 

 

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu
maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo
Dekadda.

 

 

Tan iyo markii ay Shirkadda DP­World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada
dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala
yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: