Shirka ugu muhiimsan aduunka ee siyaasiyiinta, iyo khubarada aduunku daneeyaan oo furmay( Shirka Munich ee Amniga)

Germany (Somaliland Mirror)- Shir Caalami ah oo aad u wayn ayaa jimcaha maanta ka furmaya Germany, gaar ahaan magaalada Munich.

Shirkan ayaa ah shirka ugu muhiimsan aduunka ee siyaasiyiinta, iyo khubarada aduunku daneeyaan.

shirkan oo loo yaqaan (Shirka Munich ee Amniga), ayaa waxa ka qayb galaya badi madaxda aduunka ugu waawayn.

Shirkan oo si joogta ah loo qabanayay laga bilaabo 1963 ayaa doorkan wuxuu ku soo beegmaya yadoo caalamka ay ka taaganyihiin qulqulatooyin badan oo ay ugu horeeyaan kuwa bariga dhexe, dagaalka Suurya, kor u kaca taageerida xisbiyada xagjirka ee yurub, iyo soo noqoshada tartanka ama hirdanka quwadaha waawayn ee aduunka sida China, Ruushka iyo Maraykanka.

Shirka waxa ugu waawayn arimaha lagaga doodayo , ama xalka loogu raadinayo, tartanka ama hirdanka soo xoogaystay ee u dhaxeeya quwadaha waawayn ee aduunka sida China, Ruushka iyo Maraykanka, waxa kale oo diirada la saaraya, mustaqbalka midawga Yurub, qadiyada Iiraan ayaa yadana laga hadlayaa, bariga dhexe iyo ka hor taga argaxisasada, iyo ugu dambayn arinta waddanka Ukrain.

waxa kale ay boqolaal khabiira ah ka doodayaan arrimo kale oo ay ka mid yihiin , yaraynta is hubaynta ama hub samaynta, iskaashiga amni ama difaaceed ee dalalka caalamka , waxa kale oo laga hadlayaa meelaha ama siyaabaha ay isu saamaynayaan ganacsiga caalamiga ah iyo amniga caalamiga ah, iyo ugu dambayn isbadalka cimilada .

Waxa dhinac socda barnaamijka rasmiga ah ee shirka , kulamo hoose oo Dublumaasiyeed oo ay madaxda shirka joogta isku dayayaan inay helaan ama raadiyaan waddano ay isku dana yihiin, si ay xulafaysi u yeeshaan iyo mawqifyo isku mida.

Shirka oo ilaa markii la bilaabay 1963 aduunka saamayn wayn iyo tixgalin caalami ah la siinayay, ayaa sanadkan waxa loo arkaya inuu yahay sanadkii uu ugu waynaa uguna muhiimsana, waayo dadka kasoo qayb galaya ayaa waxa ay ka koobanyihiin, 35 madaxwayne ama madax dawladeed, 80 wasiir arrimo dabadeed, iyo wasiir difaac, iyo in ka badan 600 oo khabiiro xagga amniga iyo difaaca ah.

Shirkan ama kulankan caalamiga ah ee loo yaqaan (Shirka Munich ee Amniga) ayaa wakhti ka badan 50 sanadood socday , waxaana asaasay nin khabiira oo jarmal ah oo magaciisu yahay, Ewald-Heinrich von Kleist (1922- 2013).

Shirka ayaa marxalado badan soo maray , markii hore ayaa wuxuu ku koobnaan jiray arrimaha amniga iyo difaaca,  laakin imika ayaa wuxuu noqday meelaha ugu muhiimsan ee ay ku kulmaan siyaasiyiinta aduunka iyo Diblumaasiyiintu-ba.

Shirka ayaa wuxuu soo yeeshay magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ,kulanka caalamiga ee culuumta difaaca, iyo Shirwaynaha adduunka ee difaaca, inta aan imika loo dayn magaca ” Shirka Munich ee Amniga”

laga bilaabo 2015 ayaa waxa aad shirka loogaga hadlay arrimaha Bariga Dhexe, iiraan iyo hubka nuyuukliirka ee ay samaysanayso, iyo qaxootiga Suurya.

2016, 2017, 2018  ayaa dagaalka Suurya culayska lagu saaray shirka, iyo ladagaalanka argaxisasada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: