Sheekh Cabdiraxman Sudaysi oo Lagu Eedeeyay Inuu khudbad Israa’iil u xaglinaysa ka jeediyey Xaramka Makka

Dadka baraha bulshada Isticmaala ayaa ka biyo diiday qodobo ku jiray khudbaddii Jimcaha ee Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi ka jeediyey xaramka Makka, taas oo loo fasirtay inay gogolxaadh u tahay heshiis lala galo Israa’iil. Dad badan ayaa is waydiiyey sababta uu Sudaysi khudbaddiisa ugu soo qaatay arrimo ku saabsan waxa uu Islaamku ka qabo la dhaqanka Yahuudda. ” Waxaa habboon inu aynu isku baraarujino masaa’il ciqiidada kaa mid ah, taas oo ah in aan si fiican loo fahmin baabka “Al-walaa’ wal baraa’”, waxaana jira isku khalad u dhexeeya waxa uu qofku qalbiga ka aaminsan yahay iyo xidhiidhka lala yeelanayo waddamada iyo dadkaba” Ayuu Sudaysi ku yidhi khudbaddiisa, isaga oo intaas ku daray in ” in ayna dhibi ku jirin in si fiican loola dhaqmo qofka aan Muslimka ahayn si qalbigiisa loo soo jiito, iyada oo aan laga tallaabsanaynin qodobka diidaya in gaalada la xigtaysto”. Sudaysi ayaa khudbaddiisa u soo daliishaday dhacdooyin ku saabsan xidhiidhkii Nebigeena S.C.W iyo Yahuudda. Khadbaddan ayaa baraha bulshada ka abuurtay falcelin, iyada oo dadka qaarkood ay Sudaysi ku eedeeyey in uu minbarka Xaramka uga faa’iidaysanayo gogolxaadh uu u sameeyo heshiis lala galo Israa’iil. Khudbadda Sheekh Sudaysi ayaa ku soo beegmaysa 3 toddobaad uun kaddib markii shaaca laga qaaday xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhexmaray Israa’iil iyo Imaaraatka 13 August.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: