“Shacabka Soomaaliyeed Waa Inay Helaan Sababta Dib Loogu Dhigey Dacwada Badda!” Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xidhiidha dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xidhiidha dacwada Badda.

Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigey bartiisa ugaga hadlay sababaha dib loogu dhigay dacwada badda.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay aqabalayn in marlabaad dib loo dhigo dacwada badda hase yeeshee markii Maxamada ICJ ay dib ugu dhigtey marlabaad ayay dowladuna si sahlan u aqbashay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: