Saxaafada Kenya ayaa sheegtay in khilaafkii Somalia iyo Kenya uu wali taagan yahay.

Nairobi(Somaliland Mirror)- Saxaafada Kenya ayaa sheegaysa in wadahadaladii Kenya iyo Somalia ay fashilmeen.

wadahadaladaas oo la doonayay in khilaafkii diblumaasiyeed ee Somalia iyo Kenya dhex maray lagu xalliyo.

khilaafkaas oo keenay inay Kenya safiirkeedii Somalia u yeedhato, islamarkaana safiir kii Somalia u joogay Kenya soo erido.

Raisal wasaarada Ethiopia ayaa kaalin dhexdhexaad-nimo ah ka qaatay isu soo dhawaynta labada Madaxwayne ee Somalia iyo Kenya.

Jaraayidka “Business Daily” ayaa qoray in wadahadaladii labada waddan ay burbureen, islamarkaana ayna kasoo bixin wax bayaan ah, ama war murtiyeed.

Waxaa sidoo kale jaraayidka ” Daily Nation” uu qoray in warkii Madaxtooyada Somalia ee ahaa in lasoo celinayo xidhiidkii diblumaasi ayna waxba ka jirin.

Afahayeen U hadlayay Madaxtooyada Somalia oo magaciisu yahay Cabdi nuur maxamed Axmed,  ayaa isagu hore u sheegay in labadii Madaxwayne ee Somalia iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xidhiidhkii Diblumaasiyeed lasoo celiyo oo safiiradiina soo noqdaan.

Jaraayidka ” Business Nation” ayaa isaguna sheegay in dawlada Kenya ay ka aamustay wadahadadii labada Madaxwayne markii ay dhamaadeen, arintaasina muujinayso in wadahadaladii burbureen.

Warar kale oo Kenya ka imanaya ayaa sheegaya in dawlada Somalia ay Qaramada Midoobay si ashkata ah ugaga hadashay qadiyada xuduuda badda ee lagu muransanyahay.

Dawlada Somalia ayaa wararku sheegayaan inay rabto in khilaafka badda ee kala dhaxeeya Kenya ay maxkamada adduunku kala saarto, halka wararku ay sheegayaan in Kenya ay doorbidayso in labada waddan kaligood heshiiyaan.

Raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa saxaafada Kenya qortay inuu  ku taliyay in arrinta xuduuda badda si gooni ah loo xaliyo, oo aan lagu xidhin arrimaha kale ee ka dhaxeeya labada waddan.

ugu dambayn khilaafkan Kenya iyo Somalia ayaa u eeg mid culays wayn ku haya Dawlada Somalia, islamarkaana dawlada Kenya ayaa u eeg mid yadu gacan maruujinaysa Somalia.

Khubarada Siyaasada ayaa sheegaya in Dawlada Somalia ay Kenya baahi wayn u qabto xagga nabadgaliyada , sidoo kalena ay diblumaasiyan ka baqayso In Kenya iyo Somaliland isku soo dhawaadaan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: