Safiirka Denmark Ee Soomaaliya Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Muuse Biixi Ugu Sheegay In Doorashadu Dhacayso

Safiirka Denmark danjire Mette Knudsen oo iyadoo hoggaaminaysa xubno kale socdaal ku timid Hargeysa, ayaa rajo wanaagsan ka muujinay inay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay in ay qabsoomaan sanadkan 2020.

Qoraal ay twitterka ku baahisay, waxay ku sheegtay inay Madaxweyne Biixi iyo dhinacyo kale oo ay la kulantay ka aragtay natiijo wanaagsan oo qabsoomida doorashooyinka ah, waxaanay tidhi “Qodobka kullanada aan maalmahan ku lahaa Somaliland waxa uu ahaa doorashooyinka.

Madaxwayne Muuse Biixi iyo dadkii kale ee aan la kulmay waxa ay si cad u cabireen inay doonayaan inay arkaan In doorashooyinku dhacaan sanadka 2020. Sidoo kale waxa cad inay shacabka, gaar ahaan dhalinyaradu ay sidoo kale rabitaan wayn u qabaan!” sidaas ayay ku tidhi qoraalkeeda danjire Metter Knudsen




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: