Safiir Baashe Cawil oo saxaafada Kenya Uga Warramay Sababaha dawlada Somalia u eriday ergayga Q.M Nicholas Haysom

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar,ayaaWargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay inay jiraan ajandeyaal u qarsoon dawladda Muqdisho oo sababay in ay Soomaaliya ku dhawaaqdo mastaafurinta ergeyga Qarammada Midoobay Nicholas Haysom.

Safiir Baashe Cawil wuxuu intaas ku daray inay Nicholas Haysom uu dedaal geliyey sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalka u dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Somaliland kala shaqeynayso beesha caalamka sidii loo furdaamin lahaa arrimaha ka taagan mandaqada Geeska Afrika.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, wuxuu u xaqiijiyey Warsidaha Standard in aanu khusaynin Somaliland go’aanka tarxiilka ergayga Qarammada midoobay, waxaanu xusay In Jamhuuriyadda Somalilanday si mugle ula shaqeynayso Wakiillada UN-ka ugu sareeya ilaa heerka ugu hooseeya.

Sidoo kale, waxa safiir Baashe Cawil uu ku ammaanay qarammada midoobay inay kaalin weyn ka qaadatay gargaarka bini’aadanimada Soomaalida.

ugu dambayn safiir Baashe Cawil wuxuu sheegay in ergaygii Q.M. Nicholas Haysom oo xil iska saaray sidii wadahadalii Somaliland iyo Somalia dib loogu bilaabi lahaa , wadahadaladaas oo la filayay in dhawaan laga bilaabo Waddanka South Africa .

waxaana uu safiir Baashe sheegay in ujeedooyinka  Somalia ay ergayga Q.M u eriday ay ka mid yihiin carqaladaynta wadahadaladaas Somaliland iyo Somalia,  wadahadaladaas oo Somaliland iyo Somalia la doonayo in ay xal ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqblaka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: