Rai’sul wasaaraha Ciraaq oo is caslaya ka dib maalin uu dhiigii ugu badnaa daatay

Rai’sul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa gudbinaya iscasilaadiisa,sida laga soo xigtay xafiiskiisa.

Iscasilaada ayaa imanayasa ka dib maalin dhiigii ugu badnaa uu daatay oo ay dibadbaxyada ku dhinteen dad ka badan 40 qof.

Hogaamiyaha ugu sareeya ee Shiicada Ciraaq ayaa cambaareeyay in awood loo isticmaalo dibadbaxyada waxa uu ku baaqay in la dhiso dowlad cusub .

Dad gaaraya 400 oo qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada Ciraaq tan iyo intii ay bilaabmeen bishii October.

Dadka reer Ciraaq ee dibadbaxa dhigaya ayaa waxay dalbanayaan in shaqooyiin loo abuuro islamarkana la soo afjaro musuqmaasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira.

Waxay sidoo kale ay cabasho ka muujiyeen adeegyada dowlada oo ay sheegeen in ay liitaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya in dibadbaxayaasha rasaas loo adeegsaday .

  1. Maxaa sababay dibadbaxyada gilgilay dalka Ciraaq?
  2. Kurdiyiinta Ciraaq oo u codeeyay madax bannaani
  3. Agoonta Turkiga ee ku xanniban Ciraaq



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: