Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa goor dhawayd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xeebto Liido ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo qiiqiisa laga arkay meelo ka fogfog Xeebto Liido ayaa kadib waxaa bilaabatay rasaas culus oo aan la ogeyn cidda rideysa.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda hore ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta , iyadoo ay suurtagal tahay in kooxo hubeysan ay weerarka qeyb ka yihiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: