Qarax gaadhi oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Gaadhi uu goordhawayd  ka dhacay magaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaadhi waxyaabaha qarxa ay ku xidhnaayeen, lama hayo faahfaahin intaasi dhaafsiisan.

Dhawaqa qaraxa oo laga maqlay Taleex ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Ramadaan ee degmada Hodon.

La soco wixii soo kordha….




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: