Qaramada Midoobay Oo  mushaarkii Ka Jaray  Ciidamada ku Sugan Dalka Somalia

Muqdisho(somalilandmirror)-Dowladda Uganda ayaa wadahadal kula jirta Qaramada Midoobay , iyada oo kala hadleysa xuquuqda ay leeyihiin ciidamada dowladda Uganda ee ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay.

 

 

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadaasi aysan helin wax mushaaraad ah muddo Afar bilood, waxaana Uganda ay sheegtay inay raadinayaan xuquuqda ay leeyihiin ciidamada ku sugan Muqdisho.

 

 

April, May, June iyo July ayaa ka maqan ciidamada Uganda ee ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho, waxaana waayay mushaaraadkaasi ciidamo gaaraya 530 askari.

 

 

Richard Karemire afhayeenka ciidamada meletariga dalka Uganda ayaa sheegay inay xuquuqdaasi raadinayaan oo aysan u dulqaadan karin in ciidamadooda ka maqnaado mushaaraadkaasi.

Kudhawaad 2.4 Milyan oo doolar ayaa la sheegay in ciidamada ay ka maqan yihiin, waxaana Qaramada Midoobay laga sugaya inay lacagtaasi bixiyo, maadaama ciidamada ay ilaaliyaan xarumahooda.

 

Afhayeenka ciidamada meletariga ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in lacagtaasi askartooda ka maqnaato, balse ay sii wadi doonaan howlgalka ay ka wadaan xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: