Qaramada Midoobay oo mawqif adag iska taagtay xadhigii Roobow iyo dilkii shacabka Baydhabo, Dawlada Federaalkana qoraal u dirtay.

Muqdisho (somalilandmirror.com) –Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xadhiga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka.

Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaharka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibad-baxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December,  ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadaas.

Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaraarka QM ee lagu aas-aasay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo ciidamada AMISOM uu dhigayo in si loo helo taageerada maaliyadeed ee QM ay qasab tahay in loo hogaansamo xeerarka xuquuqda aadanaha ee QM.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ay usoo direen Midowga Yurub, iyo dalalka Jarmalka iyo UK, oo taagerada kala laabtay booliska Koonfur Galbeed, sababo al xidhiidha falalkii ay ku kaceen. Saddexdan dhinac ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu taageero booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo loogu magac daray JPP (Joint police Program).

Midowga Yurub, Germany iyo UK ayaa sidoo kale jawaabo ka dalbanaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan xadgudubyada lagu tuhmayo ciidamadeeda.

Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in caddaymaha la hayo ay muujinayaan in xadhiga Roobow ay fuliyeen ciidamada NISA oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradda amniga gudaha ay xadhiga Roobow sabab uga dhigtay inuu hub gaynayey magaalada Baydhaba, sidoo kalena abaabulayey maleeshiyo.

Haysom ayaa yidhi “Waa eedyemo culus, haddii ay jiraan balse dowladda wax dambi ah weli kuma soo oogin Roobow, ayada oo xeerka dambiyada dalka Soomaaliya uu dhigayo in eedaysanaha dacwad lagu soo oogo mudd 48 saac gudahood ah ama la sii daayo”

Waxa uu sioo kale qoraalkiisa ku yidhi in inkasta oo dowladda ay ku eedeysay Roobow inuu jebiyey heshiiskii cafiska loogu fidiyey markii uu isa soo dhiibay, haddana Soomaaliya maysan lahayn xeer cafis.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: