Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Go’aanka Dawlada Somaliya Ka Qaadatay Danjire HAYSOM

New York (Somalilandmirror.com ):- Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga saartay  wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka fiirsaneyso go’aanka ka dhanka ah  Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay qaadatay.

Farxaan Xaq, ayaa sheegay inay baadhitaano ku bilaabeen sababaha keenay in go’aankaas ay qaadato dowladda Soomaaliya, isaga oo walaac ka muujiyay hanaanka loo maray qaadashada go’aankaasi.

“Waanu aragnay arrinkan, waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo, waanan ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay saxafiyiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay gaadhay warqadda lagu eryay  Mr Haysom, balse ay kusoo aaday wax yar kadib markii uu cambaareeyay weerarkii ka dhacay Xalane.

Waxaa uu sheegay in Xoghayaha Guud uu war soo saari doono Saacaddaha soo socda ka dib markii ay dhameeyaan baadhitaanada ku aadan sababaha lagu eryay Haysom iyo hab maamuuska loo maray in Soomaaliya ay wakiilka soo erido.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: