Qadar Oo 20 Milyan Oo Doollar Ugu Deeqday Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka

Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa.

Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xidhiidhka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha Horumarka, Amniga iyo Siyaasadda.

Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Soomaaliya, taasi oo dhabaha u xaadhay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan 2019-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: