Qabiilada Ugu Badan Xildhibaanada Mooshinka Ka Gudbiyay Madaxweyne Farmaajo + Waa Sidee Xaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo waxaa saxiixay ku dhawaad 100-Xildhibaan , waxa ayna Xildhibaanada soo jeediyeen eedeymo kala duwan oo ku qotoma mooshinka Madaxweynaha ka keeneen.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu jira dhamaan qabiilada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa jira qabiilo hor boodaya mooshinkan oo mucaaradsan dowlada.

Sida aan xogta ku heleyno Xildhibaanada ugu badan ee saxiixay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo  Digil iyo Mirifle, labadan beel ayaana ku leh Xildhibaanada ugu badan ee mooshinka saxiixay.

Xildhibaanada beesha Hawiye ee Mooshinka saxiixay ayaa u badnaa kuwa hore mucaarad ugu ahaa dowlada Farmaajo hogaamiyo, hasa ahaatee Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ee mooshinka saxiixay ayaa garab istaag u muujinaya Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada mooshinka saxiixay ku jira Xildhibaano badan oo kasoo jeeda Beesha Daarood gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan taageersan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Tirada Xildhibaanada taageersan Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo ayaa aad looga cabsi qabaa in ay kasii bataan inta hada la ogahay, waxaana jira Xildhibanao badan oo horey dowlada u taageersanaa balse balamo looga baxay owgeed Mucaarad isku bedelay.

Mooshinkan laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray jahwareer siyaasadeed oo aad u xoogan, waxaana hada labo garab u kala jabay Gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya , halka xildhibaanada iyaguna kala taageersan yihiin labada dhinac.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: